Malayshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab, ayaa sheegtay dilkii xalay magaalada Gaalkacyo loogu gaystay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Mukhtaar Axmed Cumar (Tinle) oo ka tirsanaa Golaha Degaanka Gaalkacyo.
Qoraal lagu faafiyay warbaahinta Al-shabaab, ayay ku sheegteen dilka marxuumkaas oo xalay dableey hubaysan ku toogatay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kadibma ay goobta isaga carareen.
Marxuum Tinle oo dhaawac culus qaba, ayaa markiiba loola cararay isbitaalka waqooyiga Gaalkacyo, halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur.
Kooxda dilka u gaystay marxuumka, ayaa sidoo kale dhaawacay askari ka tirsan ciidamada Puntland oo kaga soo baxay meel luuq ah xilli ay sii cararayeen, waxaana haatan dhaawaca askariga lagu dabiibayaa isbitaalka Gaalkacyo.
PUNTLAND POST