Ciidanka Amniga dowladda Puntland ee loo yaqaanno PSF, ayaa maanta oo Isniin ah shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen, shakhsiyaad lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska ciidanka PSF, ayay ku sheegeen in ay xalay gudaha magaalada Boosaaso ku qabteen, shakhsiyaad lala xiriirinayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaalaysta buuraleyda Calmadow iyo Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay, in ciidanku ay gacanta ku dhigeen agab la doonayay in loo gudbiyo malayshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari, inkastoo aysan faahfaahin dheeriya ka bixin shakhsiyaadka iyo agabka la qabtay midkoodna.
Taliska PSF, waxay sidoo kale sheegeen in ay gudaha Boosaaso ka wadaan hawlgallo lagu xaqiijinayo Amniga, kuwaasi oo weli ka socda xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso.
Hoos ka eeg sawirada




©PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.