Wadarta guud ee dadka uu ku dhacay Coronavirus oo la shaaciyay

Tirada dadka uu ku dhacay cudurka Coronavirus ee dunida oo dhan, ayaa maanta oo Axad ah gaartay 300, 000 kun oo qof.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa laga soo xigtay in ay maanta dunida oo dhan ka diiwaan-gelisay  300, 000 kun oo qof, kuwaasi oo uu soo ritay cudurka Coronavirus.

Sidoo kale, WHO ayaa xaqiijisay in ay diiwaan-gelisay dad gaaraya 12, 895 qof oo cudurkaas ugu dhintay  ilaa 169 waddan Caalamka oo dhan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka, waxay sidoo kale sheegtay in haatan waddanka Talyaanigu yahay dalka ugu dhimashada badan Coronavirus, kadib markii uu kaalinta kowaad kala wareegay dalka Shiinaha.

Gudaha dalka Talyaaniga, dhimashadu waxay maraysaa 5000 oo qof, waxaana Sabtidii shalay oo keliya dalkaas coronavirus ugu dhintay ku dhowaad 800 oo ruux.

PUNTLAND POST