
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo wax laga weydiiyay halka uu ku dambeeyay mashruucii dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, ayaa si buuxda u xaqiijiyay in dhismaha wadadaasi uu dib u bilaaban doono bilaha soo socda.
Madaxweyne Deni oo u warramay Telefishinka SAAB, ayaa shaaca ka qaaday in mashruuca dhismaha wadada Garoowe-Gaalkacyo uu dib u bilaaban doono sida ugu dhakhsaha badan, kadib markii sixitaan lagu sameeyay qaladaadkii keenay in mashruucaas la joojiyo .
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in mashuuca laga wareejiyay hay’adda GIZ ee Jarmalka ah, isagoo xusay in booskeedii lagu beddelay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS, balse madaxweynuhu sharraxaad intaas ka badan kama bixin mashruuca.
5-September 2018 qoraal ka soo baxay safaaradda Jarmalka ee magaalada Nairobi, ayaa lagu sheegay in la joojiyay mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, kadib markii uu musuqmaasuq hareeyay, balse 7-dii April ee sannadkii 2019, ayay mar kale dowladda Jarmalku xaqiijisay in dib loo soo celinayo mashruucaas.
Mashruuca dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaa la daah-furay 11-Maarso 2015, waxaana xilligaasi la shaaciyay in ay ku baxayso lacag dhan $21 malyan oo Dollar taasi $18 malyan oo kamid ah ay bixinayso Midowga yurub halka $3 malyan ee kalena ay bixinayso dowladda Jarmalka.
Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyeen safiiradii Midowga Yurub iyo Jarmalka xilligaasi u qaabilsanaa Soomaaliya Michele Cervone d’urso iyo Andreas Pesxhke ayaa maalintaas si wadajir ah u daah-furay mashruuca.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.