
Ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay gacanta ku dhigeen madaxii Sirdoonka Al-shabaab ee gobolka Shabeellada hoose.
Taliyaha ciidanka dhulka Militariga Soomaaliya Gen Cabdixamiid Maxamed Dirir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay madaxii Amniyaadka Al-shabaab ee gobolka Shabeellada hoose iyo laba xubnood oo la socday.
Taliyaha ayaa sheegay in sarkaalkaas iyo xubnaha kale lagu qabtay hawlgal ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya ay ka sameeyeen nawaaxiga degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose.
Gen Dirir ayaa magaca horjoogaha la qabtay ku sheegay Xassan Ganeey inkastoo uusan faahfaahin dheeriya ka bixin sida loo qabtay iyo halka lagu hayo midkoodna.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ay korortay wada-shaqeynta ciidanka dowladda iyo shacabka taasi oo fududaysay in la qabto saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.