dowladda Soomaaliya oo sheegtay in tallaabo adag laga qaadayo Ganacsatada qaaliyeysa Maciishadda

Taliyaha Hoggaanka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliya dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ka digay in maciishadda la qaaliyeeyo.

 Gen Cabdullahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa si adag uga digay Ganacsatada Soomaliyeed  in ay qaaliyeeyaan maciishada quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa,iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19.

Sidoo kale Taliyaha Hoggaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofka qaadan waayo digniinta ay u direen.

Hadalaka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha ayaa ku soo beegmay xilli cabsi laga qabo in ay qaaliyodwdo maciishadda Daruuriga ah sababo la xiriira ka hortaga cudurka Coronavirus.

PUNTLAND POST