Wasiir Beyle oo wada-hadal la yeeshay dowladda labaad ee Deynta ugu badan ku leh Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirahman Ducaale Beyle ayaa qadka isgaarsiinta (Video Conference) kula shiray masuuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda dowladda Russia oo ka mid ah dalalka Deynta ku leh  Soomaaliya.

Dhinaca Dowladda Ruushka waxaa shirka fadhiyay Wasiir ku-Xigeenka Maaliyadda oo lagu  TIMUR MAKSIMOV waxaa looga hadlay dadaalka dowladda Soomaaliya ugu jirto in daymaha laga cafiyo iyo doorka dowladda Ruushka.

War qoraal ah oo uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle  ayuu ku sheegay in ay ka wadahadleen sidii Ruushka uu Soomaaliya deynta uga cafinlahaa.

Dowladda Russia ayaa ah dowladda 2aad ee lacagaha ugu badan kuleh Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraalkaas.

PUNTLAND POST