Puntland: Safarka Deni ee Muqdisho maahan safar wada hadal

Puntland ayaa ka jawaabtay hadal shalay ka soo yeeray masuuliyiintii dowladda Federaalka Soomaaliya ee qeyb galay shirkii wadatshiga Puntland.

Wasiiro ka tirsan Puntland oo maanta la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay in shirkii wadatashiga Puntland qodobadiisa ka sooo baxay aysan wax raada ah ama saameyn ah ku laheyn Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale wasiiradda Puntland ayaa xusay in Madaxweyne Deni uusan Muqdisho u tagayn wada hadal uu la galo madaxda Federaalka, basle uu tagayo u gogol xaarka shirka ay Puntland ugu baaqday dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wasiirada Puntlad ee u jawaabay Federaalka waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Duulista Hawada.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirkii wadatashiga Puntland oo shalay hadlay ayaa sheegay in ay diiddan yihiin qodoba kamid ah war-murtiyeedka Shirkaas oo eedaymo culus loogu jeediyay madaxda dowladda Federaalka, islamarkaana ay ka xun yihiin ereyo ilhaano ku ahaa dowlad goboleedyada kale oo ku qornaa warmurtiyeedkaas.

Sidoo kale waxay sheegeen masuuliyiinta Federaalku in ay soo dhoweeyey booqashada madaxweyne Deni ku tegi doono magaalada Muqdisho.

PUNTLAND POST