Puntland oo beenisay in ay xannibtay wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya

Madaxtooyada Puntland ayaa si rasmiya u beenisay, warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaysa, in Puntland ay xannibaad ku soo rogtay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Garoowe.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in warqadda lagu faafiyay baraha bulshada aysan soo saarin dowladda Puntland, islamarkaana ay been-abuur cad tahay.

Warqada lagu faafiyey Baraha Bulshada ee laga dhigayo Inay kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, kuna saabsan Wafdiga Dowladda Federaalka ah ee Puntland, waa mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale, Puntland waxay sheegtay in ay baaritaan ku hayso dadkii ka dambeeyay been-abuurkaas, cid kasta oo lagu helo falkaasna ciqaabtiisa la marsiin doono.

PUNTLAND POST