Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabtiya shaacisay in ay mudda laba maalmood ah dib u fasaxday diyaaradaha ka imaamaya dibadda, si ay u soo qaadaan muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ku xanniban garoomada Caalamka.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in labadaasi maalmood kadib uu sii socon doono amarkii lagu joojiyay duullimaadyada caalamiga ah, si looga hortago faafidda cudurka Coronavirus.
Sidoo kale, War-saxaafadeedka ayaa lagu amray in aysan dalka soo geli Karin xamuul aan ka ahayn raashinka iyo dawooyinka, si looga hartago cudurka Coronavirus oo dunida fara-kulul ku haya.
War-saxaafadeedka ayaa ku soo beegmay, xilli maanta ay garoonka diyaaradaha Hargeysa ka degtay diyaaradda Ethiopian Airline oo rakaab ka soo qaadday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa.
Khamiistii todobaadkii tegay, dowladda Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradah Hargeysa ka celisay diyaaradda Fly Dubai oo rakaab u sidday magaalada Hargeysa, kadib markii uu dalka ka dhaqan-gelay go’aankii lagu joojiyay duullimaadyada Caalamiga ah.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.