Madaxweyne Deni oo dalxiis u tegay degmo ka soo kabanaysa duufaantii Pawan

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Jimce ah booqday degmada Taariikhiga ah ee Eyl oo ka tirsan gobolka Nugaal.

Socdaalka madaxweynaha oo aan la sii shaacin, waxaa ku weheliyay xubno kooban oo ka tirsan xafiiskiiisa iyo ilaaladiisa gaarka ah, waxaana la sheegay in socdaalkaasi uu yahay mid dalxiis ah, ee uusan arrima shaqo halkaasi u tegin.

Socdaalka madaxweyne Deni, ayaa ku soo beegmaya xilli degmada Eyl ay weli  ka soo kabanayso, khasaare kala duwan oo duufaantii Pawan ay ka gaysatay xeebta degmadaasi bishii December ee sannadkii 2019.

Daadad xooggan oo wakhtigaas ay duufaantu dhalisay, ayaa degmada Eyl ku baabi’iyay in ka badan 250 beerood, islamarkaan waxay qaadeen qalabkii kallluumeysiga, halka ay burburiyeen guryo iyo sandaqado halkaasi ku yaallay.

Mudane Deni, ayaa noqonaya madaxweynihii afraad ee Puntland oo booqda degmada Taariikhiga ah ee Eyl oo mar ahaan jirtay xarunta looga taliyo dhaqdhaqaaqii gobannima-doonka Daraawiish ee uu hoggaamin jiray Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.

4-April-2005, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Boqor ( Cadde Muuse) ayaa noqday madaxweynihii u horreeyya ee Puntland oo booqda degmada Eyl, xilligaas oo uu socdaal shaqo ku tegay.

14-October-2012, madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Sheikh Maxamuud Faroole ayaa isna booqday degmada Eyl, isagoo u kuur-galay xaaladda nololeed ee ka jirtay degaanka, kadib markii xukuumaddii Faroole ka adkaatay kooxo Burcad-badeeda oo xarumo ku lahaa gudaha Eyl.

 30-December-2014, waxaa sidoo kale degaanka Eyl booqday madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna soo kormeeray mashaariic dowladdu ka fulisay degmadaasi.

PUNTLAND POST