Dowladda Soomaaliya oo diidday qodoba kamid ah war-murtiyeedka Shirkii Garowe

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka qeyb-galay Shirkii Wada-tashiga Garoowe, oo Galabta Warbaahinta kula hadlay caasimadda Garoowe, ayaa si rasmiya u caddeeyay mowqifkooda ku aaddan war-murtiyeedkii ka soo baxay Shirka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo warbaahinta u akhriyay qoraal ay soo saareen, ayaa sheegay in ay diiddan yihiin qodoba kamid ah war-murtiyeedka Shirkii Garoowe oo eedaymo culus loogu jeediyay madaxda dowladda Federaalka, islamarkaana ay ka xun yihiin ereyo ilhaano ku ahaa dowlad goboleedyada kale oo ku qornaa War-murtiyeedkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in eedaymaha culus ee war-murtiyeedka loogu jeediyay dowladda dhexe aysan ku jirin qodobadii Shirka looga hadlay, sidoo kalena war-murtiyeedka ihaano loogu gaystay dowlad goboleedyada kale.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa soo dhoweeyey booqashada madaxweyne Deni uu ku tegi doono magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxa kale oo uu soo dhoweeyey Shirka madaxweyne Deni ku casumay dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga Wada-tashad xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada.

Wasiir Cawad, ayaa sidoo kale bogaadiyay qodobada ka soo baxay Shirkii wada-tashiga Garoowe, marka laga reebo kuwa lagu dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka masuuliyiinta Federaalka

PUNTLAND POST