Puntland: Magacyada urur siyaasadeedyada is diiwaan galiyey

G. TPEC, Guuleed Saalax Bare

Guddiga doorashooyinka KMG ah ee dowladda Puntland oo haatan shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Garoowe ayaa si rasmiya u shaaciyay urur-siyaasadeedyada ay diiwaan-geliyeen saddexdii bilood oo la soo dhaafay.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Guuleed Saalax Barre ayaa warbaahinta u sheegay in mudd saddex bilood gudahood ah si hor dhac ahku diiwaan-geliyeen 17 urur-siyaasadeed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 17-ka urur siyaasadeed ay buuxiyeen shuruudaha hordhaca ah ee laga doonayo ururrada siyaasadda Puntland.

Mudane Guuleed Saalax ayaa sidoo kale sheegay in shuruudaha kale ee u harsan ururrada siyaasadda laga doonayo in ay soo dhammaystiraan ugu dambeyn 22-ka bisha Apriil ee sannadkan 2020.

Hoos ka akhriso magacyada urur siyaasadeedyada

1. Urur Siyaasadeedka Bakaal  

2. Urur Siyaasadeedka Xaq iyo Caddaalad          

3. Urur Siyaasadeedka Xaqsoor              

4. Urur Siyaasadeedka Daryeel               

5. Urur Siyaasadeedka Runta iyo Caddaaladda     

6. Urur Siyaasadeedka Shaqaalaha        

7. Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada     

8. Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Sinaanta              

9. Urur Siyaasadeedka Garsoor               

10. Urur Siyaasadeedka Qarandoon        

11. Urur Siyaasadeedka Kaah     

12. Urur Siyaasadeedka Mideeye             

13. Urur Siyaasadeedka Midnimo Qaran   

14. Urur Siyaasadeedka Himilo  

15. Urur Siyaasadeedka Horseed

16. Urur  Siyaasadeedka Ifiye      

17. Urur Siyaasadeedka Umadda              

©PUNTLAND POST