Natiijada shirkii wadatashiga Puntland: Tallaabo mudan in la taageero oo horay loo amboqaado!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

Shirkii wadatashiga Puntland ee la soo gabagabeeyay 17kii bishaan (March17,2020) runtii wuxuu ku soo dhammaaday guul xambaarsan talo iyo toosinta hannaanka dowladnimo ee Soomaaliya, iyadoo waliba si cad loo abbaaray danta guud inay ku jirto inaan ninna keligiisa isku dayin inuu talada dalka marooqsado, dulucda warkana waxay ahayd wixii dadka Soomaaliyeed ay wada dhigteen ha laysugu yimaado!…Waa hadal aan qiil looga baxsado lahayn! Waxaana hubaal ah ninna keligiis inuusan Soomaali noqon karayn, Soomaalinna aysan kala maarmayn.

Marka la fiiriyo go’aannada shirkaas ka soo baxay waxaan shaki ku jirin inay cadayn buuxda u yihiin sida nimanka hoggaanka siyaasadeed ee dalka loo dhiibay ay ugu tagri faleen awooddii sharciga ee ummaddu ku aamintay, waxayna go’aannadaas iftiimiyeen in nimanka hoggaanka loo dhiibay ay sii kala fogeyeen siyaasad ahaan, mujtamac ahaan, iyo fikir ahaanba dadka Soomaaliyeed!… Go’aannada ka soo baxay shirkii wada tashaiga Puntland shaki kuma jiro inay mudanyihiin in loo garaabo, taasi ma aha in maamul-goboleeddada kale aysan qabin dhibka ay tirsanayso Puntland laakiin shaki la’aan intaas iyo ka badanba waa ay tirsanayaan hasa ahaatee awood baa lagu maquuniyay, waxaana hadda socda dagaal aan hubo inaysan wax natiijo ah oo aan khasaaro ahayn aysan ka soo baxayn oo hoggaanka dowladda federaal-ka uu doonayo inuu ku maquuniyo dowlad goboleedka Jubbaland.

Waxaa iyadana arrin xusid mudan ah in runtii ay dowlad goboleeddada dalka ka jira ay mar kasta oo madaxweyne cusub la doorto soo wajahayso colaad siyaasadeed iyo dagaal, taas oo run ahaantii ka imanaysa in madaxda hoggaanka qabanaysa ay dhammaantood ay yihiin jiillashii ku soo barbaaray dhaqankii siyaasadeed ee Kacaanki Siyaad Bare ee sax iyo khaladba ninkaas loo heesaayay maankana ku haya inay sidiisii oo kale dalka ku maamulaan xoog iyo amar-ku-taaglayn (authoritarian/dictatorial system) waana middaa arrintii ugu weyneyd ee keentay in siyaasiyiin badan ay dan bidaan in nidaamka Federaal-ka ah uu dalku qaato! Waxayna nimanka hoggaanka dalka hayaa iyo kuwa badan oo la mid ah iska indho tirayaan xuquuqda iyo awoodda siyaasadeed ee nidaamka federaal-ka uu siiyay dowlad goboleeddada, waana caqligaas midka soddon sano ka dib keenay in Farmaajo uu dalkii dagaal dib ugu celiyo.

Golaha shacabka?!…yaa! oo ma ka dhab baa?!… oo golaha shacabka xaggee bay joogaan?!…dalkii dabaylo colaadeed baa ka jira, Galmudug dagaal baa ka dhacay, gobolka Gedo wali colaad baa ka taagan, xiisad siyaasadeed oo ay ka muuqato saansaan colaadeed oo ay horseed ka yihiin maamulka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Kheyre baa guud ahaan dalkii saameeyay, aaway golihii shacabka?! Kenya iyo Itoobiya maalin kasta waxay meel uga dhacaan madax-banaanida iyo sharafta qaranimmad Soomaaliya golaha shacabka waligood soo ma hadal qaadin kamana hadlaan, safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Yukio Yamamoto (Donald) iyo safiirka Maraykanka ee Kenya, Kyle McCarter oo la ogyahay waxa ay Soomaaliya ka wadaan waligood kama aysan hadlin! Marka shaqadoodii ma waxay ku soo koobantay inay xukuumadda u ansixiyaan waxay rabto oo keliya?!… Shaki kuma jiro sida marar badan la sheegay inay jirto sabab golaha shacabka aamusiisay ama ka xishoodsiisay marka uu madaxweyne Farmaajo wax u sheego!… AllaaaaaH! Show waxa aamusiiyay WEYNNAA?! Golaha shacabku wuxuu ansixiyay sharciyo badan oo aayaha dalka saamayn ku leh iyadoo aan waxba laga talo gelin dowlad goboleedyada oo ay ahayd qodob dastuuri ah inay taladooda ay qayb ka ahaadaan… waliba iyagoo og tallaabadaas inaysan dastuurka waafaqsanayn! Waxaana ka mid waxyaabahay ansixiyeen sharcigii shidaalka, iyo nidaamkii doorashada oo labadaba lagala cararay inay wax talo ah ku yeeshaan dowlad goboleeddada dalka !….

Iyadoo ay jiraan waxyaabahaas iyo kuwo kale oo faro badan oo xad gudub ku ah sharafta iyo xuquuqda dadka iyo dalka oo uu golaha shacabka ansixiyay si bareer ah oo ula kac ah, oo maanta loo qaadan karo in golihii shacabku uu xukuumadda Farmaajo iyo Kheyre ay gacan ku siinayaan denbiyada ay dadka iyo dalka ka geliyaan ayaa haddana xubno ka mid ah wafdigii labada gole ee ka socday dowladda federaal-ka isla markaasna xubno ka ah golaha shacabka waxay ku doodayaan inaan Puntland ama guud ahaan dadka Soomaaliyeed diidi karayn dulmigaas ay iyaga golaha shacabka ahaan aabbaha ka yihiin sida sharci darrada ahna ku ansixiyeen! Sida muuqatayna wasiirka shaqada Sadiiq Warfaa wuxuu u ekaa inuusan fahamsanayn sababta shirka wadatashiga loo qabtay iyo golaha shacabka ee uu ka tirsanyahay inay iyagu xildhibaano ahaan ay dadka ugu hor mareen jabinta dastuurka!…

Waxaa la oran karaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Deni, run ahaantii inuu shirkaas wadtashiga ah ku baaqo waxay ahayd mid si weyn baahi loogu qabay xaaladda uu dalka ku jirana ay qasabysay in kulankaas oo kale lagu baaqo. Sida hadda laga dareemayna qaybaha kala duwan ee mujtamaca reer Puntland waxaad moodaa inay garowshiiyo siiyeen dhammaan waxyaabihii ay dowladda Puntland ka cabanaysay! Waxaa iyadana arrin aan mudnaanteeda laga tegi karayn ah in dhammaan madaxweynaha Puntland, Guddoomiyaha golaha shacabka ee Puntland, iyo xubnihii ka socday maamulka Puntland ay dhammaantood ka midaysnaayeen oo aysan haba yaraatee isku khilaafsanayn aragtida iyo guud ahaan ajandeyaashii shirkaas looga hadlay, waxayna taas keentay in go’aannadii shirka ka soo baxay ay taageeraan guud ahaan siyaasiyiintii, odayaashii dhaqanka, ganacsatadii, aqoonyahankii iyo dad-weynaha reer Puntland.

Shirkaan oo runtii la oran karo macnaha ugu weyn ee uu ifiyay waxay ahayd in dowladda Puntland xaaladaha adkaaday awgeed ay dad-weynaha reer Puntland talada dib ugu celisay si ay u shirciyeyso inay go’aanno adag ka qaadato dhagarta uga imaanaysa siyaasadaha guracan ee ay dowladda federaal-ka doonayso inay ku burburiso dowlad goboleeddada iyo guud ahaan nidaamka federaal-ka ah ee dalka xaggiisa u dhaqaaqay. Waxaana shaki la’aan ah in xukuumadda dowlad goboleedka Puntland ay ku fekerayso soo saaridda xeerar cusub oo ay kaga hor tegayso tagri falka awoodda ee dowladda federaalka, iyadoo hadda muuqato in oggolaansho buuxdo oo ay kaga hor tagayso tagri falka awoodeed ee dowladda federaal-ka ay ka haysato shacabka Puntland, waxaana arrin la filan kara ah in marka uu soo dhowaado dhamaanshaha xillig dowladda federaalka ay sii badato taageerada ay ka helayso dowlad goboleeddada kale oo iyaga laf ahaantooda aan kalsooni buuxda ku qabin hab dhaqanka siyaasadeed ee dowladda Federalk.

Dad badan ayaa rumaysan in qorshaha dowladda federaalka ee ku aaddan doorashada soo socoto uu yahay in doorashada lagu galo habkii hore 4.5, isla markaasna aysan wax rajo ah ka qabin in haddii nidaam kaas ka duwan doorasho lagu galo ay ku soo bixi karayso sidaas awgeedna aysan ku talo gelin inay diyaariso in doorasho lagu galo nidaam ka duwan kii ay ku soo baxday iyadoo rumaysan in qaabkaas uu yahay midka ugu fudud ee igu dhow xagga suurto galnimmada in mar labaad ay xukunka ku soo laabtaan iyagoo codka gadanaya, waxayna dad badan qabaan in shirka wadatashiga ay ku baaqday dowlad goboleedka Puntland uu ka hor tegayo nidaamka 4.5 ah ee 275 xubnood oo xil dhibaano ah ay codeyniyaan, habkaasoo ah hab layska bartay in xubnahaas la laaluusho oo codkooda la gato, ahna nidaamka dhab ahaan u qarsoon dowladda federaal-ka oo ay doonayso in lagu qasbanaado markuu waqtiga soo gaabto, waana sababta ugu muhiimsan oo ay Puntland ugu baaqayso shir wada-tashi Soomaaliyeed si loo helo hannaan doorasho ka duwan caddaaladana uga dhow.

Dowlad goboleeddada kale ee Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur-Galbeed, iyo Jubbaland iyo Madasha Xixbiyada, iyo sidaa soo kale odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, iyo dadka hor-yaalka mujtamaca ah ayaa loo baahanyahay inay taageeraan oo ay qayb ka noqdaan shir wada-tashi oo Soomaali oo dhan ay isugu timaado, si ay u diyaariyaan hannaan doorasho oo ay taladiisa wax ku leeyihiin oo suuro gelin kara inaan koox gaar ah af-duubin nooca uu noqonayo nidaamka doorashada dhacaysa! Waxaa iyadana talo haboon ah oo la gudboon madaxda dowlad goboleeddada ee lagu soo doortay taageerada dowladda federaal-ka inay gartaan inay yihiin ma’uuliyiin Soomaaliyeed oo aysan xilka u hayn dowladda federaal-ka ah isla markaasna ay ka soo qayb galaan shirka wadatashiga Soomaaliyeed ee ay ku baaqday dowlad gobleedka Puntland, isla markaasna ay maanka ku hayaan taladooda inay tahay talo MAS’UUL SOOMAALIYEED una adeegaya danta Soomaaliyeed!…Rag Tashaday Kolay Tahay Cir Tararay Waa Toli Karaan Taako Labadeedee!

Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan