Ilaa 5 qarax ayaa la maqlay Aroornimadii hore ee saakay, waxaana la sheegay in ay ahaayeen Miinooyin lagu dhajiyay Kaamirooyinka lagu xiray Wadada Maka Almukarama ee Magaalada Muqdisho.
Dadka ayaa hurdada uga soo salalay (kacay) jugta Qaraxyada, waxaana xigay Rasaas ay rideen Ciidamo katirsan Kuwa ammaanka Dowladda Soomaaliya.
Kaamirooyinka qaraxyada lagu dhajiyay waxaa jidadka Caasimadda gaar ahaan isgoysyada ku xiray Laamaha ammaanka dowladda Federaal si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada Gaadiidka iyo Dadka.
Lama soo sheegin Waxyeelo nafeed oo ka dhalatay Qaraxyadaas lagu xiray Kaamirooyinka Wadada Maka Almukarama, balse waxaa lasoo warriyay in waxyeelo ay gaarsiiyeen Kaamirooyinka.
PUNTLAND POST