Dowladda Soomaaliya oo diyaarad ka celisay garoonka diyaaradaha Hargeysa

Diyaarad rakaab siday oo ay leedahay shirkadda Fly Dubai ayaa saaka laga celiyey garoonka diyaarada Cigaal ee magaalda Hargeysa.

Diyaarada oo aroornimadii hore ee saaka ka soo duushay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraaadka Carabta ayaa saaka Hargeysa ka degi lahayd 07:20 subaxnimo, balse waxaa amar lagu siiyey in aysan ku degi karin Egal International Airport.

Diyaarada la celiyey oo sumadeedu ahayd FlyDubai FZ661 ayaa dib ugu laabatay Dubai International Airport (DXB), oo ay goordhow oo ah 12:45PM ka dagi doonto.

Sidaa ay xogta ku heshay PUNTLAND POST waxaa diyaarada amarka ay ku noqotay bixiyey dowladda Federaalka Soomaaliya, oo xalay saddexdii dhexe uu dhaqan galay amar ay horey u soo saartay oo ahaa in Soomaaliya si ku meel gaar ah loo joojiyey duulimaadyada caalamiga ah.

Somaliland ayaa wali ka hadlin diyaarada rakaabka siday ee dowladda Federaalku ay diiday in ay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

PUNTLAND POST