Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo qaabilay Ergayga Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb James Swan.

 Labada masuul ayaa ka wadahadlay Arrimaha la xiriira geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka waxa ayna isla soo qaadeen arrimo horay u sii dhaqaajinaya howlaha dhameeystirka dastuurka.

Wasiir Saalax oo ay shirka ku wehliyeen Agaasimaha Guud iyo La-taliyha Arrimaha Warbaahinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, ayaa ka hadlay howlaha qabsoomay bilihii la soo dhaafay iyo kuwa u qorsheysan Wasaaradda iyo labada guddi ee qaran ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka.

Sidoo kale, Wasiirka waxa uu sheegay in Wasaaradaha ku lugta leh arrimaha masiiriga ah ee ku jira dastuurka ay door wanaagsan ka qaadanayaan howsha socota maadaama ay horay heshiisyo wadashaqeyn iyo dhanka awoodaha ah ula galeen wasaaradaha dowlad goboleedyada, dhanka kalena ay ku gacan siinayaan Wasaaraadda Arrimaha Dastuurka sidii loo dhameeytsiri lahaa dastuurka.

Wasiirka waxa uu ka mahadceliyay taageerada Qaramada Midoobay ay la garabtaagantahay dowladda federaalka gaar ahaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka kuwaasoo isugu jira arrimaha is-dhaafsiga khibradda oo ay ka gacan-geystaan hay’adaha UNka iyo arrimaha Wacyigelinta Dadweynaha oo iminka uu soocdo olole ay si gaar ah u taagereyso UNSOM.

PUNTLAND POST