Ra’iisul Wasaare Khayre oo saaka u ambabaxay dalka Ethiopia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Waddanka Ethiopia.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in uu halkaasi kulamo kula yeelan doono madaxda dalka Ethiopia inkastoo aan qoraalka lagu shaacin arrimaha ay ka wada-hadli doonaan.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Addis Ababa. Waxay kulamo la yeelan doonaan madaxda dalka Ethiopia.” Ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku weheliya xubno ka tirsan Golihiisa Xukuumadda iyo saraakiil ka socda Xafiiskiisa.

PUNTLAND POST