Wasiir Warfaa: Puntland ma diidi karto sharciga doorashooyinka Federaalka

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Saadiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka wadatashiga Puntland oo maalintii saddexaad ka socda Garowe.

Wasiir Saadiq ayaa sheegay in aysan Puntland diidi karin sharciga doorashooyinka Soomaaliya oo dhawaan uu saxiixay Madaxweyne  Farmaajo.

“Puntland ma dhihi karto ma aqbalayno sharciga doorshooyinka Qaranka ee ay ansaxiyeen Golaha Shacabka iyo Galaha Aqalka sare, kadibna uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo”. ayuu yiri Wasiir Warfaa.

Sidoo kale Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ayaa ka codsaday Madaxweyne Deni in uu Muqdsho u raaco, kadibna uu halkaas ka furmo shirweyne Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Wasiir Warfaa ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wixii tabasho ah oo ay Puntland qabto, ayna wax ka qabanayaan, wuxuuna rajeeyey in shirka ay ka soo baxaan wax wanaagsan.

PUNTLAND POST