Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka aha ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa taliska Ciidanka Militariga ugu hambalyeeyay qabsashadii deegaanka Jannaale oo kamid ahaa fariisimaha ugu waaweynaa ee Al-Shabaab.
Sidoo kale Kheyre ayaa sheegay in Guusha Ciidanka ay ka dhalatay dib-u-habayn iyo tayeyn lagu sameeyay qeybaha kala duwan ee ciidamada taas oo horseedday in taliska ciidanku la wareegaan hoggaanka howlgalka dalka looga saarayo Al-Shabaab.
“Dib-u-habeyntii aan ku sameynay ciidanka waxay sare u qaadday tayadooda iyo niyaddooda waxayna soo celisay haybadda qarankeena taas oo suurtagelisay in cadowga laga saaro dhul ay sanado badan ku sugnaayeen taas oo qeyb ka ah qorshaha Badbaado ee Al-shabaab dalka looga saarayo” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa raaciyay.
Howlgalkan oo ka duwan Howl-galladii hore ayaa u jeedkiisu yahay gaarsiinta adeegyada muhiimka ah dhammaan deegaannada lala wareegay, taas oo looga gol-leeyahay inaan Al-Shabaab kusoo laaban deegaannada lala wareegay.
PUNTLAND POST