Puntland oo ku dhawaaqday Shir ku saabsan soo celinta dhulka maqan ee Puntland

War-murtiyeed ka soo baxay Shirka Wada-tashiga Puntland, oo Galabta lagu soo geba-gabeeyay magaalada Garoowe, ayaa lagu go’aamiyay in la qabto Shir weyne heer Puntland ah oo looga arrinsanayo soo celinta degaannada Sool, Sanaag iyo Cayn ee ka maqan gacanta Puntland.

Balse, war-murtiyeedka faahfaahin loogama bixin wakhtiga Shirkaasi dhacayo, halka lagu qaban doono iyo cidda lagu casumay midkoodna.

Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa dowladda Puntland ugu baaqay in la dardar geliyo barnaamijka Dimoquraaddiyeynta Puntland, islamarkaana si dhakhso ah loo dhiso maxkamadda Dastuuriga ah oo go’aanno ka gaari karta, haddii khiaaf Dastuuriya yimaado.

PUNTLAND POST