Dableey hubaysan oo weerar dhimasho iyo dhaawac leh ka gaystay Boosaaso

Marxuum Saleebaan Axmed Shire

Hal ruux ayaa ku dhintay laba kalena waa ku dhaawacmeen weerar ay goor dhoweyd dableey hubaysan ka gaysteen gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarka waxaa ku dhintay nin ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo magaciisa lagu sheegay Saleebaan Axmed Shire waxaana ku dhaawacmay hal askari iyo qof shacab ah sida ay sheegeen goob-joogayaal.

Dableydii weerarka gaystay oo aan haybtooda la garan ayaa goobta isaga baxsaday mana jirto ilaa iyo haatan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Weerarka ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii Laamaha Amniga Puntland ay sheegeen in ay Boosaaso ku qabteen xubno lala xiriirinayo malayshiyaadka Al-shabaab.

PUNTLAND POST