Soomaaliya oo laga helay kiiskii u horreeyay Coronavirus iyo duullimaadyada Caalamiga ah oo la mamnuucay

Dowladda Soomaaliya ayaa Galabta shaacisay, in kiiskii u horreeyay ee caabuqa Coronavirus laga helay gudaha dalka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa xaqiijisay in kiiskii u horreeyay cudurka Coronavirus laga helay muwaaddin Soomaaliyeed oo ka yimid dal dibadda ah, kaasi oo hataan lagu karantiilay gudah magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in muwaaddiniin Soomaaliyeed oo ka soo laabtay dibadda, mudda karantiil la geliyay, si looga baaro caabuqa koronavirus, kadibna midkood saaka laga helay caabuqaas, balse intoodi kale ay caafimaad qabaan.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya aya mamnuucday dhammaan duullimaadyada Caalamiga ah ee dalka imaan jiray laga bilaabo maalinta Arbacada ah ee ku beegan 18 –bishaan Maarso 2020-ka, sid ay sheegtay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in amarka lagu joojiyay duullimaadyada Caalamiga ah uu ka dhaqan-geli doono guud ahaan dalka Soomaaliya, balse keliya la ogolyahay in ay dalka soo galaan duullimaadyada sid Gargaarka bani’aadanimo.

PUNTLAND POST