Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa saqdii dhexe ee Xalay kormeeray hawlgallo Amniga lagu xaqiijinayo ciidanka Booliisku ay ka wadaan xaafadaha kala duwan ee Boosaaso.
Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalladaas ay si guul ah ku socdaan islamarkaana shacabku ay kaalin muhiima ka qaateen wargelinta iyo la shaqeynta Booliiska hawlgalkaasi fulinaya.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in askari aan hawlgal ku jirin loo ogolayn in uu hub magaalada ku dhex wato isagoo xusay in askarigii lagu qabto tallaabo sharciya laga qaadi doono.
Taliyaha ayaa ka mahadceliyay wada-shaqeynta Booliiska iyo shacabka degmada Boosaaso waxaana uu ciidanka hawlgalka wada ku boorriyay in ay bulshada si wanaagsan ugu adeegaan maadaama hawlgallo Amni la fulinayo.
PUNTLAND POST