Faarax Cali Shire: Puntland waxaa ku dhacday aragti la’aan iyo isku walaahoob

Faarax C. Shire oo ka hadlay shirka Garowe

Mid kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa ka hadlay waxa ka soo bixi kara shirka wadatashiga Puntland ee ka socda Garowe.

Siyaasi Faarax Cali Shire oo maanta ka hadlay shirka wadatshiga Puntland ayaa sheegay in shirkan looga tashanayo aayaha Puntland 20 ama 30 sano ee soo socda, maadaama shirkii lagu asaasay Puntland 1998 lagaga soo taliyey, wixii qabsoomay 21-kii sano ee la soo dhaaday.

“Shirweynahan muhiimad gaar ah ayuu leeyahay, waa fursad qaali ah oo reer Puntland soo martay, waayo waa shirweynihii kan la mid ah oo la qabto ilaa iyo dhismihii Puntlamd kadib, waxaana lagaga talinayaa aayaha Puntland 20 ama 30 sano ee soo socda, waayo kii lagu asaasay 21 sano baa lagaga soo teliyey, barwaaqada iyo hurumarka la sheegay baana ku gaarnay”. ayuu yiri Faarax Cali Shire.

Faarax Cali Shire oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “Dadku shalay waxay ka sheekaynayeen Puntland u jeedooyinkii loo asaasay ma gaartay?, waxaas in aan gaarnay waan ognahay, intani waa waayeel wada joogay”.

Faarax Cali Shire oo horey u soo noqday Wasiirka Maaliyadda Puntland (2009-2013) kana mid ahaa musharaxiintii la tartamay Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in u jeedooyinkii Puntland loo asaasay la gaaray, balse kadib dhacday aragti la’aan iyo isku walaahoob.

“Waxaa la sheegay in Puntland loo asaasay labo qodob oo ah, Puntland sidii ay u heli lahayd amni iyo adeeg bulsho iyo sidii loo heli lahaa dowlad iyo midnimo Soomaaliyeed, labadiiba waa la gaaray. Hadii la gaaray Puntlad waxaa ku dhacay aragti la’aan waa isku walaahoobaysaa, meelna uma socoto, loomana sameyn argti dambe”. ayuu yiri siyaasi Faarax.

Siyaasi Faarax Cali Shire waxa uu sheegay in shirkan lagu go’aamiyo aragtidii, hadafkii iyo himiladii lagu dhaqi lahaa Puntland 20-ka sano ee soo socda.

Faarax Cali Shire wuxuu xusay in shir kan oo kale ah uu ku baaqay 36 bilood ka hor, balse dowladdi xiligaas jirtay ee Cabdiwali Gaas ay ka dagaalantay, oo ay ku eedeysay kicin dadweyne.

PUNTLAND POST