Dowladda Soomaaliya oo ka fekeraysa in ay xayiraad ku soo rogto Kenya iyo Itoobiya

Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka fikirayaan in go’aan dhinaca socdaalka ah laga qaato dowladaha Itoobiya iyo Kenya oo laga helay kiisas la xiriira. cudurka Caronavirus.

Maareeyaha guud ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin oo la hadlay Voa-da ayaa sheegay in ay wadaan qorsho ay uga hortagayaan cudurka Caronavirus si looga badbaabdiyo dadka Soomaaliyeed.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay  in maanta oo Isniin ah ay yeelanayaan shir deg deg ah oo ay uga hadlayaan waxa xiga maadaama shalay ay xayiraad saareen dadka ka imaanaya Afar dal oo ah kuwa ugu daran ee uu Caronavirus saameyn weyn ku yeeshay.

Macallin ayaa xusay in weli ka fekerayaan in ay xayiyaraad saaraan dadka ka imaanaya dalalka Itoobiya iyo Kenya oo caabuqaas laga helay balse aysan ku deg degeyn maadaama weli uu ku cusub yahay.

PUNTLAND POST