Dekedda Boosaaso oo la sheegay in ciid ku xirantay

Sawir hore: Siyaasi Faarax Cali Shire

Wasiirkii hore ee Maaliyadda dowladda Puntland Faarax Cali Shire, oo kamid ahaa murashixiintii doorashada kula tartamay madaxweyne Deni, ayaa sheegay in dekedda weyn ee magaalada Boosaaso ay ciid ku xirantay.

Siyaasi Faarax Cali Shire oo hadal ka jeediyay Shirka wada-tashiga Puntland ee maalintii labaad ka socda Garoowe, ayaa xukuumadda madaxweyne Deni ugu baaqay in ay wax ka qabato ciid uu sheegay in ku xirantay dekedda magaalada Boosaaso.

Horumarinta amniga, dhaqaalaha oo burbur ka muuqdo, dekaddii oo ciid ku xirmayso, caqabadahaas oo dhan Madaxweyne adiga iyo xukuumaddaada ayay sugayaan, aragti iyo qorshe in aad ka yeelataan ayaan idinku baaqaynaa” ayuu yiri siyaasi Faarax Cali Shire.

Ex. Wasiir Faarax wax faahfaahina kama bixin ciidda uu sheegay in ay ku xirantay dekedda Boosaaso iyo meelaha ay xirtay, balse keliya wuxuu hadalkiisa ku koobay in wax laga qabto.

Dekedda Boosaaso, waxaa gacanta ku haysa shirkadda DP World kadib markii ay heshiis kula wareegtay 6-bishii April-2017, islamarkaana uu Baarlamanka Puntland ansixiyay bishii July ee isla sannadkaas.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxa shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa xilligaas qalinka ku duugay in DP World ay mudda 30-sannadood ah maamusho dekedda.

Nuxurka heshiiskaasi ayaa lagu sheegay in shirkadda DP World, ay ballaarin iyo casriyeyn ku samayso dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, mudda laba sannadood gudahood ah,  iyadoo lagu kordhinayo  450 mitir oo ballac ah.

Sida ku xusan qoraalka heshiiska,  shaqada ballaarinta iyo dhismaha dekedda, waxaa ku baxaysa lacag dhan $336 malyan oo Dollar, taasi oo wejiga kowaad ee dekedda la gelin doono $ 200 malyan Dollar, halka wejiga labaadna la gelin doono $ 136 malyan oo Dollar.

4- February 2019, waxaa Boosaaso lagu dilay madaxii shirkadda P&O oo ay leedahay DP World, taasi oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso, waxaana dilkiisa sheegatay kooxda Al-shabaab.

6- April 2019, waxaa dhammaaday mudadii loo qabtay fulinta mashruuca ballaarinta dekedda Boosaaso oo soo bilowday 6- April 2017, iyadoo aysan weli shirkaddu wax shaqo ah ka qaban dhismaha dekeddaas.

15-April- 2019, waxaa magaalada Dubai ku kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxa DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, waxaana ay isla garteen in si dhaksho ah loo bilaabo ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal wakhtigaas ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

shirkadda P&O ee ay leedahay DP World, oo gacanta ku haysa dekedda Boosaaso, ayaan weli hawshii dhismaha bilaabin sida ay sheegayaan Ganacsato ku sugan Boosaaso.

PUNTLAND POST