Baarlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo Qaadka

Guddiga arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in si deg deg ah Dalka looga joojiyo Qaadka ka yimaada dalalka Dariska.

Kulan gaar ah oo ay maanta Muqdsiho ku yeesheen Guddiga waxaa ay sheegeen in loo baahan yahay in laga fiirsado Qaadka Soomaaliya uga yimaado dalalka Kenya iyo Itoobiya, sababo la xiriira caabuqa Caronavirus oo dalal badan oo dunida ah waxyeelo weyn gaarsiiyey.

Guddoomiyaha Guddiga arrimaha bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cali Cismaan Xirsi ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay kasoo yeerayso cabashooyin ku aadan cudurka Caronavirus, isla markaana Xukuumadda Soomaaliya ay si ku meel gaar ah u joojiso Qaadka ka yimaada wadamada deriska.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Qaadka gacmaha lagaga soo guro beeraha, taasina ay sababi karto in dad qaba cudurka Caronavirus ay soo guraan sidaasina uu ku soo gaaro Soomaaliya.

Xildhibaano kale oo kulankaasi ka hadlay oo kamid yahay Mahad Cawad ayaa si la mid ah u sheegay in laanta fulinta ee Xukuumadda ay ugu baaqayaan inay qaadato hadalkan kasoo yeeray Guddiga arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka, isla markaana la joojiyo Qaadka ka yimaada wadamada deriska oo ay ugu horeeyso Kenya.

Kenya iyo Itoobiya oo xuduud dheer la wadaaga Soomaaliya ayaa maalmo ka hor sheeciyey in dalkooda laga helay kiisaska dad qaba Coronavirus.

Soomaaliya waxaa soo gala alaabo laga keeno labadaasi dal oo ka mid yahay Qaadka.

PUNTLAND POST