Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo maanta khudbad ka jeediyay Shirka Wada-tashiga Puntland, ayaa mas’uuliyiinta u sarraysa Puntland ugu baaqay in ay iska ilaaliyaan hadallada xanafta leh ee mar kasta wax u dhimaya wadajirka iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.
Wasiirka Cawad, ayaa madaxda Puntland ka codsaday in ay joojiyaan dhaliilaha iyo raja-xumada ay mar kasta muujiyaan hoggaanka sare ee dowladda Soomaaliya, islamarkaana wuxuu ka dalbaday in tabashooyinka jira si hoose loo xalliyo, halkii mar walba warbaahinta laga sheegi lahaa hadallo dadka sii kala fogaynaya.
Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa tilmaamay, in dalka Soomaaliya uu ka soo kabanayo marxalad burbur ah oo u baahan in dadka rajo loo abuuro, si loo soo celiyo kalsoonidoodii burburtay, taasina lagu gaari karo wada-tashi iyo isu’ tanaasul.
Wasiirka ayaa ku cel-celiyay in dowladda Soomaaliya ay mar kasta diyaar u tahay in la xalliyo, haddii ay jiraan tabashooyin Puntland ka qabto madaxda Federaalka, isagoo ku baaqay in wada-hadal iyo isu’ tanaasul lagu dhammeeyo khilaafaadka labada dhinac ee Puntland iyo dowladda Soomaaliya.
Wasiir Cawad ayaa sidoo kale caddeeyay, in madaxda dowladda Federaalku aysan marnaba doonayn, in ay burburiyaan hannaanka Federaalka ee dalka, maadaama iyaga lagu doortay.
Hadalka Wasiir Axmed Ciise Cawad, ayaa daba socday khudbad madaxweyne Deni isla shirka ka jeediyay oo uu dhaliilo culus u mariyay dowladda Soomaaliya, isagoo madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ku eedeeyay in ay burbur ku wadaan nidaamka Federaalismka iyo dowlad goboleedyada dalka.
PUNTLAND POST