Maydka gabar yar oo laga helay degaan ka tirsan Galgaduud

Wararka ka imaanaya Waqooyi  magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya  in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu arkay Meydka Gabar 12-jir ah oo si arxan-darro ah loo dilay.

Ciidamo ka tirsan Booliska ayaa Meydka gabadhaasi yar ka soo qaaday degaan lagu magacaabo bohol oo dhanka waqooyi uga beegan Dhuusamareeb sida laga soo xigtay saraakiisha Booliiska.

Sidoo kale Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo isugu jira  Gabadha dhimatey hooyadeed iyo nin qaba  kuwaasi oo ku eedaysan in ay ka dambeeyeen falka loo geystay gabadhaas yar.

Labada eedaysane ayaa iyaguna waxaa la geeyay magaalada Dhuusamareeb waxaana la sheegay in hooyada iyo nin saygeeda ah lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen falka lagu dilay gabadha yar oo 12-sanno jir aheyd.

PUNTLAND POST