
Suldaanka cusub ee Saldanada Cummaan Haytham Bin Daariq. ayaa madaxtooyada dalkaas ku qaabilay Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Saldanada Cummaan Cabdiweli Cali Axmed (Jeylaani).
Qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegya in Suldaanka Cusub ee Cummaan uu waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomiyay Danjire Cabdiweli Jeylaani.
Safiirka ayaa Suldaanka Cummaan ku wareejiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Danjire Jeylaani iyo Suldaanka cusub ee Cummaan ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashi ee labada waddan dhinacyada Dhaqaalaha Ganacsiga iyo Siyaasadda.




PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.