Suldaan Maxamed Muuse (Indhotaag) oo lagu soo dhaweeyey Garowe

Waxaa maanta oo Sabti ah lagu soo dhaweeyey magaalada Garowe ee xarunta Puntland Suldaan Maxamed Muuse (Indhotaag).

Soo dhaweynta Suldaan Maxamed Muuse (Indhotaag) oo ka dhacday dhanka bari ee Garowe waxaa ka qeyb qaatay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, aqoonyahano iyo qeybo kamid ah ururada dhalinyarada iyo haweenka.

Suldaan Indhotaag ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee lagu sameeyey meel ka baxsan magaalada Garowe.

Suldaan Maxamed Muuse (Indhotaag) oo bishii Jannaayo ee sanadkan lagu celeemo-saaray gobolka Bari, ayaa kamid ah isimada lagu casumay shirka wadatashiga Puntland.

Waa markii ugu horreysay oo Suldaanku yimaado caasimadda Puntland ee Garowe tan iyo markii la cimaamaday.

PUNTLAND POST