Saxaafadda madaxa bannaan oo laga xadiday shirka wadatashiga Puntland

Saxaafadda madaxa bannaanka ayaa laga xadiday shirka wadatashiga Puntland oo berri ka furmaya magaalada Garowe.

Guddiga qabanqaabada shirka ayaa weriyeyaasha ku wargeliyey in aan la ogolayn in weriyeyaasha ka socda warbaahinta madaxa bannaan ay gudaha u galaan oo muuqaallo ka duubaan xarunta uu shirku ka dhacayo.

Guddigu wuxuu sheegay in weriyeyaal ka socda warbaahinta dowladda iyo madaxtooyadda kaliya loo ogal yahay in ay goobjoog ka noqdaan oo muuqaallo iyo sawirro ka qaadaan xarunta shirka, kadibna ay la wadaagaan xogta shirka saxaafadda madaxa bannaan.

Inkasta oo saxaafadda madaxa bannaan loo qeybiyey kaararka ka qeybgalka shirka, hadana sida aan ogaanay waxaa la qorsheeyey in la geeyo xarun ka baxsan goobta uu shirku ka socdo, taas oo la macne ah in aysan la socon doonin waxa ka socda xarunta shirka.

Sababta sidaas loo sameynayo ayaa la aaminsan yahay in ay tahay in wararka shirka laga faafreebo warbaahinta madaxa bannaan.

Dowladda ayaa warbaahinta u xadidaysa, si ay marin-habaabin ugu sameyso shacabka doonaya inay helaan xogta saxda ah ee shirka wadatashiga Puntland oo ilaa iyo hadda aan si dhab ah loo ogeyn ajandayaasha looga hadlayo.

Waa arrin meel ka dhac ku ah dimuqraadiyadda Puntland, haddii aan warbaahinta madaxa bannaan loo oggolaan inay si xor ah uga warranto shirka wadatashiga Puntland.

Dowladda hadda jirta ee hoggaamiyo Madaxweyne Deni ayaa si adag u xakamaysay madax bannaanida saxaafadda iyo guud ahaan xuquuqda xorriyadda hadalka, waxayna taas bedelkeeda adeegsataa baraha bulshada gaar ahaan Facebook-ga.

Maalin ka hor ayey ahayd markii Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse uu wacad ku maray in ay talaabo ka qaadi doonaan weriyeyaasha duuba waxa aysan jeclayn dowladdu.

Qodobka 14-aad ee Dastuurka Puntland, ayaa qoraya in qofkasta uu u madax bannaan yahay fikirkiisa, uuna ku cabbiri karo hadal, qoraal, muuqaal, suugaan, saxaafad iyo hab kale oo sharciga iyo anshaxa waafaqsan.

PUNTLAND POST