Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo soo gaaray Garowe

Wafdi ballaaran oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Jamce ah soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Masuuliyiinta ayaa ka kooban Wasiirada iyo Xildhibaanada labada aqal ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku matala Puntlnd, waxaana garoonka diyaarada Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan golayaasha Puntland, Gudiga qaban-qaabada shirweynaha wadatashiga Puntland iyo masuuliyiin kale.

Wafdigan ayaa soo ajiibey casumaad ay ka heleen dawlada Puntland oo ku casuntey shirka wadatashiga ee 15 Maarso 2020 ka furmaya magaalada Garowe.

Wafdigan waxaa hoggaanimayey Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, waxaana ka mid ahaa Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Siciid Xuseen Ciid iyo Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdullaahi Bidhaan.

Magaalada Garowe ayaa la ciirciiraysa wufuud ka qeyb galaysa shirka wadatashiga Puntland oo furmaya maalinta Axadda ee todobaadka dambe.

PUNTLAND POST