Puntland iyo Somaliland oo xaflad dhaqan u rogay madal siyaasadaysan

Garaadka guud ee SSC

Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale Xassan, oo ku soo biiray hoggaanka dhaqanka gobolka Sool, ayaa Khamiistii shalay lagu caleema-saaray degaanka Dharkayn-Geenyo ee koonfurta gobolka Sool.

Caleema-saarka Garaadka waxaa ka qeyb-galay isimo isaga yimid Puntland, Somaliland iyo dowlad degaanka Soomaalida DDS iyo marti sharaf kala duwan. Sidoo kale waxaa goob-joog ahaa mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland.

Xafladda ayaa la isku weydaarsaday hadallo siyaasadaysan, kadib markii Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore uu sheegay in halka Caleema-saarku ka dhacayo ay tahay gudaha Somaliland.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka Puntland oo halkaasi hadal ka jeedisay, ayaa sheegtay in halka xafladda caleema-saarku ka dhacayso ay ka tirsantahay Puntland, islamarkaana ay salaan ka siddo madaxweynaha Puntland iyo xukuumaddiisa.

Balse, Garaadka guud ee degaannada SSC Garaad Jaamac Garaad Cali oo soo xiray xafladda Caleema-saarka, ayaa sheegay in dadka degaanku aysan Puntland iyo Somaliland midna ka tirsanayn.

Halkaan ka daawo muuqaalka

PUNTLAND POST