Wasiirka caafimaadka dalka Ingiriiska oo laga helay xanuunka Karoona feyrus

Wasiirka caafimaadka ee dalka Ingiriiska, Nadine Dorries ayaa sheegtay in laga helay xanuunka karoona, cudurkaasi oo haatan laga daweynayo.

Ms. Dorries, oo sidoo kale ah xildhibaankii ugu horeeyay ee laga helo xanuunkaan ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagula taliyay, gurigeedana ay isku karantiishay.

Hay’adda caafimaadka ee Ingiriiska ayaa sheegtay in ay sare u qaadeyso heerka baaritanaada xanuunka karoona, maadaama ay sare u kacayaan dadka uu ku dhacayo caabuqaas.

Wasaaradda caafimaadka ee ay hogaamiso waxaa ay xaqiijisay in todobaadkii lasoo dhaafay laga helay astaamaha xanuunka, xilligaas oo ay booqatay aqalka looga arrimiyo dalka Ingiriiska ee Downing Street.

PUNTLAND POST