Wafdi ka socda Midowga Yurub oo gaaray degmada Baraawe

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta gaarey Wafdi uu hoggaaminayo Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya,iyada oo siwyen halkaasi loogu so dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha degmada Baraawe kusoo dhaweeyey Wasiirka Gaadiidka & dekadaha Maamulka Koonfur Galbeed,Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax iyo Xubno kale.

Wafdiga Midowga Yurub ka socda ayaa waxaa ay kormeer ku sameeyeen qeybaha kala duwan ee Dhismaha garoonka maadaama qarashka lagu dhisay Garoonka qeyb kamid ah uu bixiyey Midowga Yurub.

Xubnaha Wafdiga ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degmadaas,kaas oo looga hadli doono mashaariic laga fulinaayo degmadaasi Baraawe.

PUNTLAND POST