Soomaaliya iyo Kenya oo wadahadal ku yeeshay Nairobi

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjire Axmed Ciise Cawad uu maanta wadahadal kula yeeshay Nairobi dhiggiisa dalka Kenya, Marwo Raychelle Omamo.

Waxaa la sheegay in labada Wasiir ka wadahadleen sidii loo yarayn lahaa wixii khilaaf ah ee jira, loona sii xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulanka, oo labada Wasiir ay ku wehelinayeen diblomaasiyiin ka socda labada dal ayaa la sheegay in uu daba socday wadahadal ay Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta khadka telefoonka ku yeesheen 5-tii bishan Maarso 2020-ka.

Laabada Madaxweyne ayaa la sheegay in ay xiligaas isla garteen in si wadajir ah labada dal ay uga wada shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka, lagana fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Matiang’I iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Muqdsho yimid 8-bishan ayaa Madaxweyne Farmaajo u keenay martiqaad uu ka helay Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo aadan u safro dalka Kenya, halkaas oo uu kulan kula qaadan doono Madaxweynaha martiqaadka fidiyey ee Uhuru Kenyatta.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay kulan yeeshaan oo heshiis ka gaaraan khilaafka diblomaasiyadeed ee soo noqnoqda, waxaana muuqata in xiriirka labada dowladood uusan wali sal adag lahayn.

Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya yaa heerkii ugu xumaa gaaray sanadkii lasoo dhaafay, kadib markii uu soo cusboonaaday muranka badda.

PUNTLAND POST