Somaliland oo beenisay in Itoobiya ka baxday Saamigii Maalgeshi ee dekeda Berbera

Kadib markii shalay Wargeyska Capital ee ka soo baxa Addis Ababa, uu sheegay in Itoobiya ay joojisay saamigii maalgashi ee  19% ay ku lahayd dekedda Berbera, ayaa waxa arrintaas beeniyay maamulka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa been abuur ku tilmaamay warkii uu qoray Wargeyska Capital ee kasoo baxa Itoobiya, kaasi oo la xiriiray in Itoobiya joojisay maalgashigii ay ku lahayd dekedda Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in uusan jirin warkaas uu daabacay Wargeyska Capital, isla markaana weli war rasmi ah uusan kasoo bixin dowladda Itoobiya oo ay uga hadlayaan in la joojiyay maalgashigii ee 19% ee Dekedda Berbera.

Wargeysku, ma sheegin cidda uu xogtan ka soo xigtay, laakiin qaybo ka mid ah warbixintan wuxuu wargeysku ku waraystay wasiirka gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges oo sharaxday qorshaha ay Itoobiya ku doonayso in ay deked kaga samaysato dalka Suudaan, laakiin wasiirku ma soo hadal qaadin arrinta dekedda Berbera ee Somaliland.

PUNTLAND POST