Maxay ka wada hadleen Xukuumadda Federaalka iyo Midowga Yurub?

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed ka ka soobaxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay in kulankaas looga hadlay horumarinta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo horymarinta amniga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay kulanka oo ay qay ka qayb galeen wasiirrada xukuumadda qaar kamid ah iyo safiirrada Midowga Yurub ee Muqdisho ku sugan oo uu hoggaaminayay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheegay in uu qayb ka ahaa shirarka looga hadlo horumarinta wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

PUNTLAND POST