Maraykanka iyo Al-shabaab oo ka hadlay duqeyn kale oo ka dhacday Jannaale

Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa mar kale shaaciyay in ay duqeyn culus la beegsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa degaanka Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose.

War-Saxaafadeed ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntaas oo dhacday gelinkii dambe ee shalay ay ku dileen 5 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab inkastoo aysan xusin magacyada xubnahaas.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadlay duqeynta degaanka deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay Mareykanka uu duqeyntaas ku diley Afar Qof oo Shacab ahaa.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay  in dadkaas lagu laayay duqeynta ay wateen Gaari xilliga lagu duqeeyay degaanka Jannaale balse faahfaahin sii dheer ma bixin.

PUNTLAND POST