Guddoomiyaha Hiiraan oo safar shaqo ku tegay degmada Buula-barde

Guddomiyaha gobalka Hiiraan ee dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Maxamad Caraale oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Degmada Buula-barde ee gobalka Hiiran ayaa dib ugu soo laabtay magalada Baladweyne  ee xarunta Gobolka Hiiraan.

safarka gudoomiye Carraale uu ku tagay Degmada Buula- barde ayaa waxaa ujeedadiisu ahayd xallinta khilafkii maamulka Degmada Buula-barde iyo odayaasha dhaqanka degmada .

Guddomiyaha gobalka Hiiraan ee dowlad-goboleedka HirShabeelle  Md.Cali Maxamad Caraale intii uu Degmada Buula burde ku sugnaa waxa uu kulummo la qaatay odayaasha dhaqanka iyo sarakiisha ciidanka xooga dalka iyo kuwo Amisom ee nabad ilalinta u jooga Degmada Buula barde. sido kale waxa uu u kuur galay xaladaha Amni iyo nololeed ee dagmada.

PUNTLAND POST