Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaanaya Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa duqeeyay Xarumo Al-Shabaab kulahaayeen degmooyinka Jilib, Bu’aale, Saakow iyo degaanka Salagle oo dhamaantood ka wada tirsan gobolka Jubada dhexe.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka ayaa sheegay in duqeyntaas oo dhacday xalay lagu bur buriyay fariisimo iyo gaadiid ay lahaayeen Xubno ka tirsan malayshiyaadka Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 16aad Ciidanka kumaandooska dowladda Federaalka Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay duqeynta ay waxyeelo xooggan ka soo gaartay Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab,kuwaasi oo ay dib kasoo sheegi doonaan tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Al-Shabaab haatan ay bilaabeen in ay isaga baxaan degaanno ka tirsan Jubbada dhexe, kadib markii ay kordheen weerarada dhinaca cirka ah oo Mareykanka la beegsanayo
PUNTLAND POST