Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga twitter-ka Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu sheegay in koox ka amar qaadata Hoggaamiyaha Alshabaab Axmed Diiriye Abuu cubeyda ay degmada Bu’aale ku dileen madaxii hore ee Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaadka gobolka Banaadir Cumar Macalin Macaawiye.
Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kooxda Alshabaab ay xabsiga dhigeen madaxa howlgalada Amniyaatka kooxda Al-shabaab ee gobolka Banaadir oo lagu magacaabo Cumar Maxamed
“Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA
PUNTLAND POST