Qof ka yimid dal uu halakeeyey Coronavirus oo lagu qabtay Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid dalka Shiinaha, kaas oo saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in muwaadinkan markii hore uu ka soo duulay dalka Shiinaha, gaar ahaan gobolka Liaoning, uuna soo maray Itoobiya, isagoona markii dambe kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdusho.

Sidoo kale qoraalka Wasaaradda ayaa lagu xusay in muwaadikan la qabtay, loona gudbiyay qeybta hakinta muwaadiniinta looga shakiyo inay qabaan caabuqa Coronavirus (COVID-19), isla markaana ilaa iyo hada lagu hayo qeybta hubinta.

Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka codsatay hay’adaha ay khuseyso in ay tallaabo ka qaadaan diyaaradaha jebiya tilmaamaha ay bixisay dowladda Soomaaliya ee la xiriira caafimaadka isku gooshka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka


PUNTLAND POST