Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu wehliyo madaxwyne Ku-xeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa maanta oo Taalado ah kulan la qaatay, Safiirka  Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Ambassador Aadan Xassan Aadan iyo Wefdi uu Hoggaaminayo oo booqasho ku yimi Puntland.

War-saxaafadeed kulankaasi kadib ka soo baxay madaxtooyada dowladda Puntland, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan, ay ka wada hadleen, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arrimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.

Madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan ayaa ka wada hadlay, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Safiirka Jabuuti iyo wefdigiisa oo maalintii shalay booqday dekedda Cusub ee laga dhisayo degaanka Garacad, ayaa soo kormeeray  sida ay u socoto howsha dhismaha dekedda, kulankaas ayaa sidoo kale waxa goob joog ka ahaa wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi iyo Mas’uuliyiin kale.

PUNTLAND POST