
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa saaka oo Talaado ah dil ku xukuntay dable ka tirsanaa ciidanka Militariga dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku eedaysan in uu wiil dhalinyaro ah ku dilay garoon Kubadda lagu ciyaaro oo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.
Dable Maxamed Cismaan Maxamed Nuur, oo ka tirsanaa Ciidanka Militariga dowladda Soomaaliya, ayaa lagu helay in uu dilay wiil dhalinyaro ah magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, taariikhdu markay ahayd 3-January ee sannadkan 2020.
Askarigaas ayaa wiilka ku dilay, garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kadib markii uu ka xanaaqay in wiilkaas yar kubadda ka badiyay wiil kale oo ay askariga walaalo ahaayeen.
Maxkamadda ayaa go’aamisay in dable Maxamed Cismaan Maxamed Nuur lagu xukumo dil toogasho, oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, waxaana la siiyay fursad Rafcaan-qaadasho mudda 30-cisho ah.
Halkaan ka akhri xukunka oo faahfaahsan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.