Qarax ka dhacay afaafka hore ee Dekada Boosaaso

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa goor dhoweyd oo caawa ah ka dhacay qarax geystay khasaaro naf iyo maalba leh.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada Boosaaso ayaa ka dhacay afaafka hore ee Dekada Boosaaso, oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan ilaalada Dekada, waxaana la aaminsan yahay in uu ahaa nooca dhulka lagu aaso.

Saraakiil ka tirsan Puntland oo codsaday in aan magacooda la xusin ayaa PUNTLAND POST u sheegay in qaraxa uu ku dhintay hal qof oo ka jeeda dalka Itoobiya, sidoo kale uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ilaalada Dekada Boosaaso.

Sidoo kale qarax ayaa geystay khasaaro hantiyeed, isagoo burburiyey guryo iyo gaadiid ka dhawaa agagaarka uu ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax faahfaahin ah oo ka soo baxday hay’adaha ammaanka gobolka Bari oo looga hadlay qaraxan.

Weerarada ka dhaca magaalada Boosaaso waxaa inta badan sheegta kooxaha taageersan Daacish iyo Al-shabaab ee ku dhuumaalaysta buuralayda gobolka Bari.

PUNTLAND POST