Madaxweyne Farmaajo oo diyaarad u raacaya degmada Baraawe

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Baraawe ayaa waxaa ku wehlinaya mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan halkaas.

Ujeedka madaxweyne Farmaajo u tagayo Magaalada Baraawe ayaa waxaa lagu sheegay in uu xariga kaga jari doono garoonka diyaaradaha Baraawe oo dhawaan lagu sameeyay  dib u dayactir.

Sidoo kale Madaxweynaha inta uu ku sugan yahay halkaas waxaa uu dhagax dhigi doonaa Mashaariic horumarineed oo laga hir gelin doono Baraawe, waxaana kamid ah Iskuulo waxbarasho iyo Goobo kale oo muhiim u ah Bulshada.

Amaanka Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka Magaalada la dhigay Ciidamo gaar ah, kuwaasi oo wada baaritaano kala duwan.

PUNTLAND POST