Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga dalka Kenya Fred Matiang’i ayaa maanta oo Axad ah soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya isaga oo la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Mr Matiang’i, ayaa sheegay in safarkiisa Muqdisho uu xiriir la leeyahay dhacdooyin todobaadkii hore ka dhacay soohdinta labada dal islamarkaana quseeya amaanka Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay in safarkiisa Muqdisho ay ku wehliyaan Saraakiil sar sare oo ka mid ah dowladda Kenya Madaxweynaha Soomaaliyana kala hadlayaan arrinta Xuduudka labada Waddan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga dalka Kenya oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in safarkooda Muqdisho uu amray Madaxwyenaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Jimcihii la soo dhaafay Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Kenya ayaa khadka Taleefanka uga wadahadlay Xiisadda labada dal waxaana labada Madaxweyne isku afgarteen in ay sameeyaan guddi ka shaqeeya dajinta xaaladda Gobolka Gedo iyo Mandheera sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

PUNTLAND POST